Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Xasan Sheekh oo madaxda DF uga digay hal dhaqan oo halis badan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in mar wlaba la maqlo in loo bahaan yahay dowlad awood leh oo dadka gacan adag ku qabata, balse taas ay tahay arrin halis ah.

Xasan Sheekh oo u muuqda inuu duraya madaxda dowladda ee hadda xilka haya ayaa sheegay in aan la baahneyn shaqsiyaad dalka xoog iyo awood ku qabsada, hase yeeshee loo baahan yahay sharci iyo qaanuun adag.

“Runtii waan ognahay inaan maqalno waxaa loo baahan yahay dowlad adag, balse xaqiiqda ayaa ah in halka aan maanta joogno ay ka dhalatay dowlad adag oo isku dayday inay xoogw ax ku maamusho”

“Shaqsiyaad awood wax ku maamula iyo beelo ama shacab la dhibaateeyo awoodna la adeegsado dowlad laguma noqdo” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna guddoomiyaha xisbiga UPD ayaa bilihii la soo dhaafay waxa uu aad u dhaliilayay siyaasada madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana muuqata inuu sii xoojiyey weerarkiisa.

Halkaan hoose ka dhageyso Xasan Sheekh

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/Cod-Cadow.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this