Deeq A. Posted January 23, 2019 Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax gaari ayaa galabta waxa uu ka dhacay meel ku dhaw isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen saraakiil ammaanka qaabilsan. Gaari nuuciisa uu yahay HILUX oo Somalidu ay u taqaano Qooqan ayaa ku qarxay isgoyska Taleex, kaasi oo yiilay goobta gaadiidka la dhigto ee PREMIER Bank. Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen xilliga uu qarxayay gaariga in aysan jirin qof saarneyd. Qaraxan ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen ilaa 4 ruux oo goobta ka akdhawaa markii uu Qaraxa dhacayay, kuwaasi oo durbadiiba loola cararay isbitaalka Daaru Shifa. Gaadiidka dab damiska ayaa ku guuleystay inay damiyaan dab xoogan oo ka dhashay gaariga qarxay oo ilaa hadda aanan la ogeyn waxa uu yahay qofkii watay. Ciidanka ammaanka ayaa tagay goobta uu qaraxa ka dhacay, waxayna wadaan baaritaanka qaraxan oo nuuciisa lagu sheegay midka dhejiska ah. Shalay ayay aheyd markii Qarax Miino uu ka dhacay aagga Carwo Itko, kaasi oo ay ku geeriyoodeen laba ruux oo shacab ahaa, halka uu ku dhaawacmay askari Boolis ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites