Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo shaaciyey magaca iyo qabiilka ninkii isku qarxiyey Baar-Sanguuni

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaadday magaca iyo beesha uu kasoo jeedo ninkii dhowaan isku qarxiyey xerada ciidamada dowladda ee deegaanka Baar-Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose..

Idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa barnamaij ay baahisya ku sheegtay in ninkaas lagu magacaabay Cabdi Naasir Xasan Salaad oo loo yaqaan Badbaado.

Cabdi Naasir Xasan Salaad ayaa Shabaab ay sheegtay inuu ahaa 23 jir ka soo jeeda beesha Duduble, gaar ahaan jufada Awr-wadeen.

Ninkan ayaa la sheegay inuu adeer u ahaa Sheekh Cabdullaahi Salaad oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta Al-Shabaab, oo horey loogu dilay dagaalkii Shabaab ay Muqdisho kula galeen ciidamada Itoobiya.

Cabdi Naasir, ayaa sida ay sheegtay Al-Shabaab, waxa uu ku dhashay kuna bar-baaray magaalada Muqdisho. Waxa uu kooxda Al-Shabaab kusoo biiray sanadii 2010-kii.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this