Sign in to follow this  
Deeq A.

Oday Cabdi Haybe oo aanu isku WADDANI nahay wuxuu yidhi “ Fadal Ha la ixtiraamo”. Ma hiil Boolisba? ma hiil Taliya? ma hiil Samanaa?!

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaran ayaynu nahaye Booliska inoo qurxiya ma Qadafbaa walal ?

Oday Cabdi Haybe oo aanu isku WADDANI nahay wuxuu yidhi “ Fadal Ha la ixtiraamo”. Ma hiil Boolisba? ma hiil Taliya? ma hiil Samanaa?!

muniir-2.jpg

Booliska Jamhuuriyadda Somalilnad waa dhab waa ciidamo aan qaadan mushahar ku filan, ma helaan tababar iyo imkaaniyaadkii ciidan dhaqaalaha Dalka awgii iyo qorshe dhammaystiran oo aan marna loo dejin. In kasta oo ay ku ammaanan yihiin dadaalka ay mujiyeen hadana in badan ayaa ka dhiman oo ay ugu wayntahay dib-u eegis kor iyo hoosba ah in la sameeyo. Maanta Burco Askari Boolis ah ayaa rasaas uu furay Dhib iyo dhaawac gaysatay, qaylada Xabsiyadeena ka taagan waynu ognahay hadana Dadka qaar ayaan arkaa leh Booliska yaan la soo hadal qaadin!

Waar Adeer aynu wax hagaajisano oo Booliskeena siduu yahay ka sii qurxino oo Saxiibka Dadweynaha ka dhigno ma qadafbaa? Maya maha walal Kii u arkaa waa yeelkii: Anigoo Ixtiraamaya waxaan Saxaafadda ku arkaayay Oday Cabdi Haybe oo leh “Taliye Fadal ha la daayo “. Oday Cabdi Haybe Waan garanwaayay sababta uu sidaa u leeyahay, Fadal Guri uu leeyahay ma jooge xil Qaran ayuu hayaa, in la faleeyo lagu dhaliilo wixii ka qaloocdana waa daw iyo gar . Hiilka Cabdi Haybe waxaan garan waayay waa mid halkee ah . Ma mid Boolis difaac ahba? ma mid Taliye Fadal ahba mise waa mid Samane Difaac ah ? Aniga ka iigu xiga hadduu wax qaribo qofka ugu horeeeya ee ku qaylinaaya ayaan ahay . Wasiirkaygii Axmed Faarax ayaan ugu qayla badnaaba waayo Kala aragti ayaanu ahayn … Anigu ta Oday Cabdi Haybe mid ka duwan ayaan qabaa oo ah .

Madaxweyne adigoo mahadsan habaynta Ciidanka Booliska ku noqo qayladoodu dami waydaye, Madaxweyne maraa waaxid Taliye Fadalna mid dhaama ku badal Hadad Jeclaysatay guul wadayntiisana dee Iska hayso kuwii ka horeeyayba way haysteene.

Sawirkan Sare waa mar ciidamadda Boolisku Iga xidheen Huteel Maansoor: Mala 20-ba hal
Mar igu dagay iyadoo ay igu filayd gaadhiga soo fool.. Wakhtigaas waxa ila socday Jamaal Cali Xuseen oo aanu Saxiib dhaw nahay .

Tusan

Image may contain: one or more people and people standing

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this