Deeq A. Posted January 23, 2019 Muqdisho ( Sh. M. Network )-La-taliyaha dhinaca amniga ee Madaxweynaha Soomaaliya Cabdi Siciid Muuse oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka jaawaabay hadalkii dhawaan ka soo baxay dowladda Kenya ee ku aadanaa in Raggii weeraray magaalada Nairobi ee xarunta dalkaasi ay wateen Hub ay laheyd dowladda federaalka Soomaaliya. La-taliyaha ayaa marka hore sheegay in xiriir wanaagsan uu ka dhaxeeyo dalalka Soomaaliya iyo Kenya, islamarkaana DFS ay ka xun tahay weerarkaasi. Sidoo kale Cabdi Siciid Muuse ayaa warka ka soo yeeray laamaha amniga Kenya ku tilmaamay mid aan sax aheyn. Waxaana uu xusay in madaxda Kenya ay u sheegeen in qofka wareysiga bixiyay uu shaaciyay war aan la xaqiijin, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn la-taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in Raggii weeraray todobaadkii la soo dhaafay hoteel-ka DusitD2 ay ahaayeen Muwaadiniin Kenyaan ah oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab, islamarkaana hubka ay wateen laga heli karo meelkasto. The post Soomaaliya Oo ka jawaabtay eedeyn uga timid Kenya appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites