Deeq A. Posted January 23, 2019 Muqdisho ( Sh. M. Network)-Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa saaka Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda ku dilay gudaha Suuqa Bakaaraha ee M/Muqdisho. Raggani oo gaarayay illaa labo ayaa waxaa la sheegay in dilka kadib ay goobta isaga baxsadeen. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaiya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, kuwaas oo baaritaano ka bilaabay halkaasi. Howlgalka intii uu socday ayaa waxaa la sheegay in Ciidamadu ay Toogteen mid ka mid ahaa Raggii ka dambeeyay dilka Askarigaasi, kadib markii uu diiday in uu hubka dhigo. Sidoo kale Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay wiil kale oo dhalinyaro ah, kuna hubeysnaa Bastoolad, kaas oo la rumeysan yahay in uu wax ka geystay dilkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dhacdadaasi. Xaaladda ayaa hadda dagan, iyadoona howlgalkan uu saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqii Ganacsiga Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. The post Kooxo hubeysan Oo Askari ku dilay Suuqa Bakaaraha appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites