Deeq A. Posted January 23, 2019 New York ( Sh. M. Network )-Ciidamada FIB-da Mareykanka ayaa ayaa Muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga shakisan yahay in ay xiriir la leeyihin Ururka Daacish ku xiray gudaha dalkaasi. Muwaadininintan oo gaaraya illaa iyo saddex ayaa waxaa la sheegay in mid ka mid ah la qabata, xilli uu isku diraarinayay in uu u soo duulo Soomaaliya. FBI-da Mareykanka ayaa magacyada raggani ku kala sheegtay Muuse C/qaadir Muuse oo 23 jir aH, Maxamuud C/qaadir Muuse oo 20 jir ah iyo Maxamed Salaad Cali oo 26 jir ah, kuwaas oo lagu xiray magaalada Lansing gobolka Michigan ee dalkaasi. Xeer ilaalinta gobolkaasi ayaa ku eedeysay xubnahan in ay xiriir la leeyihiin Kooxda Daacish, gaar ahaan faraceeda Soomaaliya. Sidoo kale xeer ilaalinta ayaa sheegtay hadii raggani lagu helo dambigan ay muteysan doonaan xabsi gaaraya 20 sano oo xarig ah. Kooxda Daacish oo ka dagaalanta dalal dhowr ah oo ay ka mid tahay Soomaaliya ayaa dhalinyaro ka qorata dalalka reer Galbeedka oo uu ka mid yahay Mareykanka. The post FBI-da Mareykanka Oo xirtay Muwaadiniin Soomaaliyeed appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites