Sign in to follow this  
Deeq A.

Xidhnaashaha Hey’adaha Dowladda Mareykanka Oo Galay Bishii Labaad Iyo Ismari-Waaga U Dhaxeeya Madaxweyne Trump Iyo Xisbiga Dimoqraadiga Oo Wali Taagan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Xidhnaashaha qeybo ka mid ah Hey’adaha Dowladada Federaalka Mareykanka ayaa galay bishii labaad, xilli wili uu taaganyahay ismari-waaga siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweyne Trump iyo hogaamiyaasha xisbiga dimoqraadiga.

6BF6FE39-9CD9-433D-8165-F7267998C948_w10

Madaxweyne Donald Trump ayaa ku adkeysanaya dalabkiisa ah in la siiyo lacag ka badan 5 bilyan oo dollar oo uu rabo inuu derbi uga dhiso xadka Mareykanka uu la wadaago Mexico, laakin mudanayaasha xisbiga dimoqraadiga oo hadda leh aqlabiyadda Aqalka Wakiilada ayaa diiday arrintaasi.

Qoraal uu talaadadi shalay soo dhigay bartiisa twitterka ayuu Trump ku sheegay in darbi la’aantii uusan Mareykanka waligiis yeelan doonin amaan qaran. Wuxuu kaloo intaasi raaciyay in haddii darbi xoog leh ama gidaar ka sameysan bir laga dhiso xadka ay hoos u dhici doonaan danbiyada la xiriira daroogada, taasoo buu yiri ay ogyihiin dimoqraadiyiintu balse ay rabaan in ay ciyaaraan dheel siyaasadeed.

Dhanka kalana, hogaamiyaha aqlabiyadda Golaha Senetka Mitch McConnell, oo ah xildhibaan Jamhuuri ah oo senetka kasoo galo gobolka Kentucky, ayaa sheegay in senetka ay Khamiista cod u qaadi doonaan qorshaha madaxweyne Trump ee xadka iyo qorshe ay dimoqraadiga soo gudbiyeen oo ah in dowlada miisaaniyad loo helo ilaa bisha siddeedda Febraayo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this