Sign in to follow this  
Deeq A.

Tahriibayaal Ay Ku Jiraan Soomaali Oo Lagu Xidhay Dalka Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ankara)-Wakaalada Wararka Turkiga ee Anadolu Agency ayaa sheegtay inay Ciiddanka Ammaanka qaadeen Hawlgal Guud oo lagu soo qabtay ugu yaraan 178 Tahriibayaal shisheeye ah.

MUHAAJIRIIN-LAGU-QABTAY-TURKIGA-750x430.

Ilo dhinaca Ammaanka ayaa sheegay in hawlgalkaasi laga sameeyey Goballo ku yaalla W/galbeed ee dalkaasi, iyadoo lagu soo qabtay Tahriibayaal si sifo aan sharci ahayn ku soo galay ama kaga sii baxayey dalkaasi.

Hawlgalka ay Ciiddanka Turkiga ka sameeyeen Gobalka Edirne waxay ku soo qabteen 49 Muhaajiriin ka soo kala jeeday Somali, Pakistan iyo Afganistan, kuwaasi oo la socday gaadhi lagu tahriibinayey.

Ciiddanka waxay gaarigaasi ku joojiyeen waddo u dhexeysa Degmooyinka ENES iyo UZUNKOPORU.

Waxaa kaloo Hawlgalkaasi lagu qabtay 4 qof oo Mukhalasiin ah oo tahriibinaysay Muhaajiriintaasi.

Hawlgalka Guud ee laga sameeyey guud ahaan dalka Turkiga ayaa la sheegay in lagu soo qabtay ugu yaraan 178 Muhaajiriin ka soo kala jeeday dalalka Somalia, Syria, Pakistan, Bangaladesh iyo kuwo kale.

Si kastaba ha ahaatee, Wasaaradda Arrimaha Gudaha Turkiga waxay sheegeen inay sannadkii hore gacanta ku dhigeen in ka badan 265,000 oo Tahriibayaal sharci-darro ah ku soo galay dalkaasi ama kuwo doonayey inay u sii tahriibaan dalka Giriigga iyo dalalka kale ee Europe.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this