Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgal Miino saaris ah Oo laga sameeyay G/ Jubbada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo ( Sh. M. Network)-Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay howgal Miino saaris ah ka sameeyay gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa ay Ciidamadu ka sameeyeen deegaanka Qooqaani iyo nawaaxigiisa ee gobolkaasi.

Qaar ka mid ah saraakiisha hoggaamineysay howlgalkan ayaa Shabelle u sheegay in ay ku guuleysteen in ay saaraan Miinooyin dhowr ah oo lagu aasay halkaasi.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in uu sii socon doono howlgalkan inta laga xaqiijinayo amniga deegaanada hoostaga magaalada Kismaayo ee G/Jubbada Hoose.

Maalmihii dambe Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa howlgallo ka dhan ah ka waday gobollada Jubbooyinka ee K/ Soomaaliya.

The post Howlgal Miino saaris ah Oo laga sameeyay G/ Jubbada Hoose appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this