Sign in to follow this  
Deeq A.

Villa Somalia oo jawaab ka bixisay warka sheegaya in hubkii weerarka Nairobi lagu fuliyey ay lahayd DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka jawaabtay war uu qoray wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Kenya, kaasi oo lagu sheegay in hubkii lagu fuliyey weerarkii hotelka DusitD2 uu ahaa hub ay leedahay dowladda Soomaaliya.

Cabdi Saciid Maxamed Cali, oo ah la-taliyaha dhanka amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid been abuur ah.

Qoraal uu soo dhigay twitter-ka ayuu Cabdi Saciid ku sheegay inaysan jirin wax caddeymo ah oo dowladda Soomaaliya lala wadaago, oo muujinaya in hubkaas uu yahay mid ay dowladda Soomaaliya leedahay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dadkii weerarka fuliyey ay ahaayeebn Kenyan u dhashay dalkaas, oo aysan ahayn Soomaali.

Wargeyska Daily Nation ayaa qoray in baaritaan horudhac ah uu muujinayo in lambarka taxanaha (serial number) ee qoryaha uu la mid yahay kan ciidamada dowladda Soomaaliya. Si kastaba, ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Kenya.

Dowladda kasta waxay leedahay lambar aqoonsi oo hubkeeda ku dheggan, waxaana sida Daily Nation uu daabacay, qoryihii lagu fuliyey weerarka 14 Riverside ay lahaayeen caalamadda “SO” oo ay isticmaalaa ciidamada Soomaaliya.

“Weli waxaan isku dayaynaa inaan ogaano sida argagixisada ay ku heshay hubkan, balse waxaan u malaynayaa inay ku qabsadeen mid ka mid ah weerarada tirada badan ee Al-Shabaab ay ku qaaddo ciidamada dowladda Soomaaliya” ayuu yiri sarkaal ka tirsan qeybta-dambi baarista Kenya ee DCI.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this