Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanada maamulka Hirshabeelle oo seddex arin darteed kulan deg deg ah ka yeelanaya-Aqriso

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle loogu yeeray kulan deg deg ah oo ay ku yeelanayaan magaalada Jowhar.

Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa badankood ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana adag inay ku nagaadaan magaalada Jowhar oo ah caasimada maamulka Hirshabeelle, sida wararka aan ku heleyno.

Xildhibaanada ayaa kulan deg deg ah ka yeelanaya seddex arimood oo ay ugu horeyso khilaafka kala dhaxeeya guddoomiyaha baarlamaanka oo la doonayo in la xaliyo, maadaama xildhibaano badan ay kasoo muuqdeen wasaaradaha isku shaandheynta lagu sameeyay.

Arinta Labaad ayaa ah inaysan qaadan wax mushaaraad ah bilihii ugu dambeeyay, taasi oo keentay in xildhibaanada ay ka caroodaan guddoomiyaha Baarlamaanka oo xiriir toos ah la leh ra’iisul wasaaraha dalka.

Arinta seddexaad ayaa ah in la joojiyay dhismihii xarunta baarlamaanka Hirshabeelle, kadib markii Al shabaab ay u hanjabeen darawalada gaadiidkii ka shaqeynayay dhismaha xarumaha maamulka Hirshabeelle.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in xildhibaano badan oo wasaarado aanan helin ay careysan yihiin halka kuwii helayna ay ka careysan yihiin in loo magacaabay wasaarado aysan ku qanacsaneyn.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this