Sign in to follow this  
Deeq A.

Siad Barre Maalintu Gaaloobay

Recommended Posts

Deeq A.   

Siad Barre Maalintu Gaaloobay

Dhacdo waa odey ka Sheekee

prof.jpg

Qore: Dr. Saeed Sheikh Mohamed    

Siyaad Barre xukun kiisii, waxa aan laba qof ku murmikarin oo miyarkooda qabaa inuu ahaa macangag, dab iyo naar ah oo dadka tudhaale u lahayn; diinta iyo dhaqanku waxay xagiisa ka ahaayeen bar kuma taal. Inta  amaantaa waa dad kooban oo qabyaaladi ka hadlinayso ama dano gaar ah kulaha.

Dhacdadii ugu xumayd, ugu naxdinta iyo yaab ka badnayd waxay ahayd maalinta uu Gl. Maxamed Siad Barre u meel mariyey xeerka qoyska ee uu Alle iyo diintiisaba kaga go’ay ee uu gaalnimo cad meel isu taagay.

Dhacdadaasi waxay ahayd maalintu Xeerka Qayska oo uu ku badalay xeerkii shareecada Islaamka ee muslim oo dhami waligood ku dhaqmi jireen. Xeerka si kidis ah ayuu Siad Barre u meel mariyey  January 11, 1975 iyado aan laga fiirsan, culimadana wax laga weydiin, dhibta ka iman kartana la adorosin, wax qadarin ahna la siin dadka 100% muslimka ah ee xeerku khuseeyo iyo dhibta ka dhalan karta.

Ujeedada qodha ee Siad Barre kalaha waxay ahayd inuu madaxdii Midawga Soofiyati, ee uu midiidinka u ahaa, iska dhaadhiciyo inuu shuuci dhaba yahay. Waxaanu se ogeyn in Midowga Soofiyati uu xukumi jirey malaayiin muslim ah oo diintooda aanu marnaba si toos ah u faragalin jirin.

Xeerka qoysku wuxuu si toos ah uga horyimi Quraanka iyo Sunaha Rasuulka Calayhi Salaatu Wa Salaam. Qodobada ugu muhim Sanaa waa:

  1. Habka meherka Islaamka wax laga badaly;
  2. Dalaaqda oo aan dhici Karin iyadoo maxkamadi aqbasho mooyee;
  3. Afadu haday diido in saygeeda ay kala tagaan, waxa waajib ah in reerku wada joogo;
  4. Nin kuu haduu ku celceliyo: waan ku furay iya doo maqlaysa; inaan waxba laga soo qaadayn.
  5. Dhaxal ka inay raga iya dumarku isku qoriyihiin xaalad kastoo jirta.

Xeerku wuxuu xalaaleey inay lamaane meher isu hayne inay xaaraan ku wada joogaan.

Xeerka waxa markiiba ku gacan saydhay culimo badan oo waqtigaa ku sugnaa Mogdisho. Shan cisho markay ka soo wareegtay, (maalin Jimca ah, January 16, 1975) ayaa Masjidka Cabdil Qadir, markii salada jimcaha la tukaday, ayey culimadu bilaabeen inay dadka u bayaamiyaan sida uu xeerka qoysku uga soo horjeedo diinta Islaamka. Dad kii salaada u yimi ayaa ku nagaaday masjidka oo qofba ka muu bixin. Jaar kii masjidka ayaa debeda isugu soo baxay iyaguna; dad kaloo badanina way ku soo biireen si ay culimada taageero ugu muujiyaan. Wacdigu wuxu soconaayey saladii Jimce ila saladii casar (1:00– 3:30). Culimada meesha ka hadashay iyo kuwii masjida joogayba waxay ahaayeen culimadii waa wayneed ee caanka ahaa sida laga soo xigtay Sheekh Maxamed Garyare oo waqtigaa masjidka ku sugnaa.

Culimadu waxay aad uga hadleen sida xeerku siduu diinta iyo shareecada Islaamka uga soo horjeedo, iyagoo isbarber dhigaya Quraanka iyo Sunuhu waxay faraayaan muslinka, iyo xeerku fariinta uu xambaar sanyey iyo sida aaney isula jaan qaadi karin Xeer Qaysaka iyo Diinta Islaamku.  Culimadu waxay ku nuux nuux sadeen dadkana ugu baaqeen inay diidaan xeerka oo aaney marnaba ku dhaqmin kuna  dheeradaan inay ka soo horjeestaan; waxaaney uga digeen dadka cadho Alle inay ku dhacdo hadii ay xeerkaa ogalaadaan. Dhinaca kalana waxay fariimo adag oo xaq ah u direen Siyaad Barre iyo maamul kiisii. Waxany ku booriyeen in xeerka in sidu u dhan yey daaqada laga tuuro.

Siyaad Barre oo jaahil ka ahaa dhan diineed,  dhan siyaasadeed, iyo dhan bulsho waxa uu ka qaaday baaqiii culimada cadho iyo kibir. Wuxu iska dhaadhiciyey inay culimadu liddi ku yihiin maamulkiisa isagoo marka horeba sas ka qabay cid kasto diin ka hadasha. Amar degdega ayuu ku bixiyey in la soo qabto culimada iyo dadka masjidka joogayba. Salaaddii casar ayey boqolaal ciidanka nabad-gelyda ah oo aad u hubaysan hareereeyeen masjidkii. Waxay qab-qabteen dad badan oo meesha ku sugna, iyagoo bar tilmaamaysanaya culimadii ugu magaca wayneed ee bir-ma-geedada ahaa.   Markiiba Maxkamada Badbaadada Qaranka oo magac u yaal ahayd ( Siyaad Barre ayaa wax walba ahaaye ) ayaa loo gudbiyey. Waxa lala tiigsaday Xeerka 54 ee ciqaabta kuna saabsaana (diinta oo loo adeegsado burburinta qaranka). Xeerku wuxuu ka mid aha xeerar badan oo ciqaab ah mar qudha Siyaad Barre soo saaray oo isgu jirey “dil, xabsi, iyo bahdalaad si qof kii kalmad yidhaa ba afka loo jabiyo. Xeerarkaa aduun yadu waxy u aqoonsatay inay yihiin qaar kasoo horjeeda xuquuda qofka ee aduun yadu isla ogoshay.

Culimadii waxa lagu xukumay:

  • 10 Sheekh dil toogasho ah;
  • 6 Sheekh 30 sano oo xadhig ah;
  • 20 Sheekh 17 sano oo xadhig ah.

Maalinta Bishu ahayd January 23, 1975 ayaa dil toogasha ah lagu fuliyey 10 Sheikh oo aan dembi gelin. Culimadu Alle ha u naxriistee iyagoo ilkaha cadaynaaya oo aad ugu faraxsan in Alle u aqbalay inay iyagoo shuhada xaga Alle u dheelmadaan, oo naacawda janadu usoo ureyso, carabkana ku haya aayadaha busharada ee Suurada Aal Cimraan ayey naftii midwalba ka baxday.

وَلَا تَحْسَبَنَّ الَّذِينَ قُتِلُوا فِي سَبِيلِ اللَّهِ أَمْوَاتًا ۚ بَلْ أَحْيَاءٌ عِندَ رَبِّهِمْ يُرْزَقُونَ)169( فَرِحِينَ بِمَا آتَاهُمُ اللَّهُ مِن فَضْلِهِ وَيَسْتَبْشِرُونَ بِالَّذِينَ لَمْ يَلْحَقُوا بِهِم مِّنْ خَلْفِهِمْ أَلَّا خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلَا هُمْ يَحْزَنُونَ )170

((۞ يَسْتَبْشِرُونَ بِنِعْمَةٍ مِّنَ اللَّهِ وَفَضْلٍ وَأَنَّ اللَّهَ لَا يُضِيعُ أَجْرَ الْمُؤْمِنِينَ )171

Waxa yaable inaan dawladahaa carbeed ee muslimka ahi inaanay xataa cambarayn falkaa Culimada lagula kacay. Kaba siidarane Siyaad Barre magac iyo maamuus ayabuu ku helay dhiigii culimada, hub iyo caawimo badana waa la siiyey, waanaa loo sed kordhiyey.

Culimada 10 ka ah ee shahiiday waxay ahaayeen:

  1. 1.Cali Hasan Warsame
  2. Cali Jamac Hirsi 
  3. Adan cali Hirsi
  4. Sheekh Axmed Imaan
  5. Sheekh Axmed Sheekh Maxamed
  6. Hasan Iise Iley
  7. Maxamed Siyaad Xirsi
  8. Sheekh Muse Yuusuf
  9. Saleebaan Jaamac Maxamed
  10. Yasiin Clmi Cawl.

 

Siyaad Barre dhibta faraha badan ee shacabka uu ugaystey, ee ay ugu mudnayd shariicada Islaamka ee uu faraha lagaly, iyo dilka culimada lagula kacay ,waxba ka muu soo qaadin.   Waabuu ka sii daray oo wuxuu damcay in culimadu qasab ugu oleleeyaan Xeerka Qayska, isna waafajiyaan xeerka iyo shareecada Alle.

Sheekh Maxamed Macalin ee caalimka wayn ahaa Alle ha u naxariistee, ayaa tafsiirka Quraanka ka akhriya xiligaa masjidka Cabdil Qadir. Amar ka Iaahay waxa isku soo beegmay xeerkii Qayska oo olelihiisii socdo, iyo casharka uu Sheekh maarinaayey oo ahaa Surata Nisa’a, ayaadaha dhaxalka khuseeya. Madax ka tirsanaa Goleha Saree e Kacaanka iyo sabaaniyadii Siyaad Barre ayaa u tegey Sheekha si ay ugu khasbaan inuu badalo macnaha aayadaha Suurta Nisa’a ee uu ayaantaa uu ayaamahaa bilaabaayey fasilaadooda. Isla markaana waxay u sheegeen inuu u dadka u sheego in Xeerka Qayska ee Siyaad Barre malmaluuqay mid waafaqsan Quraan ka iyo Sunaha. Sheekh waxa loogu hanjabay in haduu amarkaa sidiisa u fulinwaayo in sidii culimadii hore loo galay si la mida isagana loo geli doono. Sheekh Maxamed macalin arrinkaa umuu jixinjixin; cabsigelin iyo caga juglaynina waxaba ka may badalin. Tafsiir kii aayada dhaxal ka (waatan hoosta ku qorane), sidii Alle yidhi ayuu u mariyey.

يُوصِيكُمُ اللَّهُ فِي أَوْلَادِكُمْ ۖ لِلذَّكَرِ مِثْلُ حَظِّ الْأُنثَيَيْنِ ۚ فَإِن كُنَّ نِسَاءً فَوْقَ اثْنَتَيْنِ فَلَهُنَّ ثُلُثَا مَا تَرَكَ ۖ وَإِن كَانَتْ وَاحِدَةً فَلَهَا النِّصْفُ ۚ وَلِأَبَوَيْهِ لِكُلِّ وَاحِدٍ مِّنْهُمَا السُّدُسُ مِمَّا تَرَكَ إِن كَانَ لَهُ وَلَدٌ ۚ فَإِن لَّمْ يَكُن لَّهُ وَلَدٌ وَوَرِثَهُ أَبَوَاهُ فَلِأُمِّهِ الثُّلُثُ ۚ فَإِن كَانَ لَهُ إِخْوَةٌ فَلِأُمِّهِ السُّدُسُ ۚ مِن بَعْدِ وَصِيَّةٍ يُوصِي بِهَا أَوْ دَيْنٍ ۗ آبَاؤُكُمْ وَأَبْنَاؤُكُمْ لَا تَدْرُونَ أَيُّهُمْ أَقْرَبُ لَكُمْ نَفْعًا ۚ فَرِيضَةً مِّنَ اللَّهِ ۗ إِنَّ اللَّهَ كَانَ عَلِيمًا حَكِيمًا (11)

Taasi waxay keentay in Sheekh Maxamed Maclin isla habeen kiiba la xidho. Mudo dheer ayuu Siyaad Barre u xidhnaa isagoon waxba galabsan.

Dhacdadaasi waxay ahayd mid curad ah oo hore iyo dibtoona u soo marin dadka af soomaliga ku hadla, gobol kay doonaan ha joogaane. Xukumadiihii reer yurub ee gobolada Somaliyeed kala xukumaayey, iyo Boqortooyadii Abassiniyaa (Ethiopia) mid koodna fal kaa soo kale ah dadka Somaliyeed ee muslimka ah kulamay kicin. Waa markii ugu horeysay ee carada Somaaliyeed gaar ahaan Jamhuuriydii Somaliyeed dad lagu ciqaabo diintooda awgeed (religious persecution).

Xeerka Qayska ee Siyaad Barre malmaluuqay, iyo ayaadaha Quraanka ee uu sida badheedhka ah uga horyimid, iyo falal kii uu raaciyey ee foosha xumaa, waxay daka Somaliayeed u cadeeyeen meel ay joogaanba culimaduna isku raacday, inuu Siyaad Barre gaaloobey oo Alle iyo Nibigiisiiba ka go’ay. Meel uu ku toobad keeneyna anigu maan maqlin, manaan akhriyin, cidina iimay sheegin. Xeerkii Qoyska intaan ka war hayo maamulkii Siyaad Barre kama noqon. Haduu toobad la’aan ku dhintay gaalnimo ayuu ku dhintay oo in loo duceeyaa ma banaana.

Waxan ugu baaqayaa Culimada Soomaaliyeed meel ay joogaanba in Jimcahan fooda inaguu soo haya dhacdadaa aad loo xuso loona aqoonsado malinta January 23 maalinta Shuhadada Diinta oo sanad walba la xuso si loogu cibro qaato. Waa maalin xanuun badan, oo xusuus mudan, oo wax ku qaadasho iyo ku daysho le.

Waa waajib diiniyaa oo distoorku ogolyey inay shacab ku diintooda ilaa shadaan, culimaduna hormood ka noqdaan, dad kuna ku taageeraan.

Ugu dambaystii, waxan Madax Weynaha Somaliland Mudane Muse Biixi Cabdi inuu qodobada Distoorka ee cadilan uu taabo geliyo, gaar ahaan Qodobka 115 ee ku saabsan Gudida Ulimada oo aad loguo baahan yahay si ay u bayaamiyaan shuruucda dalka lagu maamulayaa inay Shareecada waafaq santay iyo inkale.

Wa Bilaahi tawfiiq.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this