Deeq A. Posted January 23, 2019 Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee magaalada Jowhar ayaa howlgal 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka sameeyeen magaaladaasi waxa ay ku xireen in ka badan 10 qof oo ganacsato ah. Ganacsatadan la xirey ayaa lagu eedeeyey iney lacago canshuur ah siiyaan Al-Shabaab, iyadoo ammarka xariggooda la sheegay inuu bixiyey maamulka Shabeellaha Shexe. Sidoo kale ciidamada ayaa raadinaya ganacsato kale oo bil walba lacag lagu sheegay Canshuur u geeya Xarakada Al-Shabaab. Cabsi weyn ayaa xilligan soo wajahday ganacsatada ku dhaqan magaalada Jowhar, iyadoo maamulka Gobolka Sh/dhexe weli aanu arrintaasi ka hadal. Ganacsatada Soomaalida ayaa inta badan lacag canshuur ah siiyey kooxda Al-Shabaab, ayaga oo ka cabsanaya in haddii aysan bixin la dilayo, dowladdana aysan damaanad qaadi karin sugidda amnigooda. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites