Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Kenyaawi ma horey ayuu been u sheegay mise hadduu run sheegayaa?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Ibraahim Kenyaawi ayaa horey wareysi uu bixiyay ku shaaciyay in dowladda Soomaaliya aysan wax raad ah ku laheyn imaanshihiisa magaalada Muqdisho, islamarkaana arrimo siyaasad uusan faraha la geli doonin.

Hase yeeshee wuxuu la kulmay madaxda dowladda, balse waxaa taas dheer in shalay uu  kasoo muuqday xarun lagu tababarayay ciidamo boolis oo dhallinyaro, oo uu khudbad u jeediyey, kuna dhiir-geliyey inay dalka difaacaan.

Sheekh Kenyaawi ayaa dhalinyaro badan oo loo tababarayay booliska Soomaaliyeed u jeediyay hadal uu ku dhiiri gelinayo tababarka ay qaadanayaan iyo ahmiyadda ay u leeyihiin dalkooda.

Waxaa ku wehliyay Sheikh Bashiir Axmed Salaad oo taageero xukuumadda hadda dhisan, waxaana soo baxaya shakigii laga qabay in Sheikh Kenyaawi imaanshihiisa magaalada Muqdisho ay  door ku laheyd dowladda Soomaaliya.

“Balan ma tahay inaan amaanka ka wada shaqeyno, ilaalino caruurta amaankeeda, ma balan qaadeysaa inaad sugeysaan amaanka caasimada”ayuu dhalinyarada u sheegay Sheikh Kenyaawi.

Dadka markii horeba ku dhaliilay in dowladda Muqdisho keentay, ayaa hadda sheegaya in loo adeegsanayo inuu dowladda u noqdo mid ay u adeegsato arrimaheeda siyaasad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this