Sign in to follow this  
Deeq A.

Habka loo xusho xubnaha is-miidaamiya ee Shabaab oo shaaca laga qaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Muuse, oo ah dagaalyahan hore uga tirsanaa Al-Shabaab, oo la hadlay taleefishinka CNN, ayaa daaha ka rogay habraaca ay maraan dagaalyahanada si loogu xusho hawlgalka is miidaaminta.

“Dagaalyahanada cusub ee loo qoro waxaa si cad loo weydiiyaa in ay si mutadawacnimo ah isu qarxinayaan” ayuu yiri.

“Kuwa lagu doorto waxaa laga wadaa kooxda weyn waxaana lagu tashkiiliyaa ugu yaraan muddo sanad ah barashada Quraanka, muxaadarooyin uu bixiyo wadaad iyo tababar adag oo jireed iyo mid ciidannimo.

“Tababarada Al-Shabaab waa mid aad iyo aad u adag,” ayuu ku daray.

Muuse waxa uu la kulmay dagaalyahanno badan oo qalaad, ka yimi Mareykanka, Australia iyo Britain.

Dagaalyahan British ah ayaa sheegay in uu doonayo ku noqoshada dalkiisa hooyo isaga iyo xaaskiisa iyo wiilkiisa saddex jirka ah oo uu rabo in uu ismiidaamin qarax ah sameeyo,” ayuu daaha ka rogay Muuse.

“Waxaa jiray ajaaniib badan. Waxaan kula dabaalan jirnay xeebta Kismaayo waana ka garab dagaalami jirnay laakiin waxa ay ku noolaayeen meel gooni naga ah.”

Dagaalyahankii hore ee Al Shabaab waxa uu diray digniin adag.

“Mid walba waxa uu doonayaa in uu soo boxo oo uu sameeyo mid la mid ah weerarkii Dusit laakiin lama siin fursadda…haddii la siiyo fursadda wey soo baxayaan.”

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this