Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Safiirka Cusub Ee Dawladda Itoobiya U Soo Magacowday Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka cusub ee dawladda Federal-ka Itoobiya dhawaan u soo magacowday Somaliland, Amb Shamsudiin Axmed Rooble.

50437957_1999464573500719_28979010469216

Kulankan Madaxweynuhu ku qaabiley Safiirka, ayaa ujeedkiisu ahaa soo dhawayn, madaama safiirku xafiiska ku cusub yahay oo dhawaan dawladda federaalka Itoobiya u soo magacawday Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu Madaxweynuhu Dawladda Itoobiya ku bogaadiyey inay u soo magacowday Jamhuuriyadda Somaliland dublamaasi xeel dheeri u leh shaqada safiirnimo, kana soo shaqeeyey dalal badan oo dunida ka mid ah, isaga oo u rajeeyey safiirka inuu halkaasi ka sii amba qaado xidhiidhkii wada shaqayneed ee xafiiskiisa uu haatan ka hawlgalaa hore u hayey.

Kulankan, ayaa sidoo kale lagu lafo-guray wada-shaqaynta iyo xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaal-ka Itoobiya ee ku tiirsan iskaashiga horumarka, ganacsiga, isu-socodka iyo arrimaha nabadgelyada mandaqadda geeska Afrika.

Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon).

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this