Deeq A. Posted January 22, 2019 New York ( Sh. M. Network )-Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Ciidamo dheeraad ah ay u soo direyso Soomaaliya, kuwaas oo ka qeyb noqon doono howlgalka lagula dagaalamayo Al Shabaab. Askartani oo ka soo ambabixi doono goboka New Jersey ee dalkasi ayaa lagu wadaa in loo soo daad gureeyo Soomaaliya todobaadyada soo socda, waxaana tiradoodu ay gaareysaa illaa 130 Askari. Ciidamadani ayaa la sheegay in ay soo dhameysteen tababar uga socday gobolkaasi oo la xariira howlgalka ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab. Mareykanka ayaa waxaa horay Soomaaliya uga joogay Ciidamo lagu qiyaasay 5,00 oo askari, kuwaasi oo saldhig weyn ku leh gobolka Shabeelaha Hoose. Tan iyo markii uu talada la wareegay Madaxweyne Trump waxaa uu Mareykanka sare u qaaday duqeymaha dhinac cirka ah ee uu ka fuliyo gudaha Soomaaliya. The post Mareykanka Oo Ciidamo hor leh u soo diraya Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites