Sign in to follow this  
Deeq A.

Gabar Askariyad aheyd Oo lagu dilay Dhoobey

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhoobley( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in maanta Askari ka tirsan Ciidanka maamulka Jubbaland uu Gabar Askariyad aheyd uu ku dilay deegaanka Dhoobley ee gobolkaasi.

Marxuumada ayaa waxaa lagu magacaabi Jiray Fowsiyo Xasan Khaliif, waxaana sidoo kale ay ka mid aheyd Ciidanka Jubbaland ee ku sugan deegaankaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daray in Askariga dilka geystay iyo Marxuumada uu ka dhexeeyay xiriir Jaceyl, islamarkaana uu soo kala dhexgalay khilaaf sababay Toogashadaasi.

Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa lagu soo warramayaa in ay gacanta ku dhigeen Askarigaasi oo haatan ku xiran deegaanka Dhoobley ee G/ Jubbada Hoose.

Dhacdooyinka nuucaan oo ah kuwa ku cusub dhegaha dadka Soomaaliyeed ayaa mararka qaar ka dhaca gudaha dalka.

The post Gabar Askariyad aheyd Oo lagu dilay Dhoobey appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this