Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo ka walaacsan weeraro ka dhaca dalkeeda

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi ( Sh. M. Network )-Laamaha amniga ee dalka Kenya ayaa ka cabsi qabo weeraro kale oo ismiidaamin oo ka dhaca gudaha dalkaasi ,kadib qaraxii xooganaa ee dhawaan lagu qaaday hoteel  ku yaala magaalada Nairobi ee xarunta dalkaasi.

Saraakiil ka tirsan Booliska dalka Kenya ayaa sheegay qaraxii ugu horreeyay uu fuliyay Mahir Khalid oo u dhashay Kenya, kana soo jeeday magaalo xeebeedka Mombasa.

Sidoo kale Booliska ayaa xusay in Mahir oo 25 jir ahaa uu sanado ka hor ku biiray Al Shabaab, kadibna uu tababar ku soo qaatay gudaha Soomaliya.

Laamaha amniga ayaa sheegay in ay suura gal tahay ragg kale oo ka tirsan Al Shabaab ay qaraxyo ismiidaamiin ah ka fulin karaan magaalooyinka Kenya.

Waxaana Booliska la dagaalama argagixisada ay baaritaan ka wadaan gudaha magaalada Nairobi oo todobaad ka hor uu ka dhacay weerar khasaare geystay

Saraakiisha amniga ee Kenya ayaa gacanta ku dhigay dhowr ruux oo lala xiriirinayo in ku lug lahaayeen weerarkii  hoteel DusitDS ee magaaladaasi.

Ciidamo gaar ah oo ka tirsan Booliska ayaa la geeyay magaalooyinka Mombasa, Mandera,Kisumu,Isiolo iyo Moyale, si ay ugu sameeyaan baaritaan dheeraad ah.

The post Kenya oo ka walaacsan weeraro ka dhaca dalkeeda appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this