Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni Oo loo kordhiyay waqtiga uu ku soo dhisayo xukuumadda cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo maanta hortagay Golaha Wakiilada maamulkaasi ayaa ka dalbaday in muddo kordhin loogu sameeyo wakhtiga uu ku soo dhisayo xukuumadda cusub.

Madaxweyne Deni ayaa ka hor sheegay Baarlamaanka Puntland in uu baahan yahay waqti dheeraad ah, si uu soo dhiso Gole Wasiiro oo tayo leh.

Intaasi kadib Golaha Wakiilada maamulkaasi ayaa Cod aqlabiyad leh ku golaaday muddo kordhintaasi oo 14 cisho ah, taas oo ka bilaabaneysa 28 bishan Janaayo.

Sideeda bishan ayey aheyd marki Madaxweynaha cusub ee Puntland loo doortay Saciid Deni, kadib doorasho ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi.

The post Deni Oo loo kordhiyay waqtiga uu ku soo dhisayo xukuumadda cusub appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this