Deeq A. Posted January 22, 2019 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo duhurnimadii maanta ka dhacay degmada Wardhiigley ee G/ Banaadir. Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay Isgoyska Carwo Itko ee degmadaasi, xilli ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo halkaasi ku baara Gaadiidka isticmaala Waddada Sodonka ee magaalada Muqdisho. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku dhintay illaa 2 Qof oo shacab ahaa, halka uu ku dhaawacmay 1 Askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya. Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan qaraxaasi. Sidoo kale ma jirto cid sheegatay qaraxaasi, balse waxaa inta badan weerarada ceynkan oo kale ah sheegta Al Shabaab oo dilal iyo weeraro ka geysata gudaha M/Muqdisho. The post Qarax khasaaro geystay Oo ka dhacay M/ Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites