Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Madaxweynaha oo loo kordhiyay wakhtiga uu ku soo dhisayo xukuumad cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Baarlamanka dowladda Puntland ayaa cod aqlabiyad ah ku mee-mariyay, codsi uga yimid madaxweynaha cusub oo ka dalbaday, in mudda kordhin loogu sameeyo wakhtiga laga doonayo in uu soo dhiso golihiisa xukuumadda.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi deni oo saaka hor tegay golaha wakiilada ayaa sheegay, in ay la soo darseen duruufo siyaasadeed iyo amni oo u suura-gelin waayay, in uu wakhtiga dastuuriga ah ku soo dhiso xukuumadda cusub, waxaana  uu dalbaday mudda kordhin 14 cisho ah oo ka bilaabata 28-ka bishan Jannaayo.

Baarlamanka aya cod gacan-taag ah ku ansixiyay codsiga madaxweynaha, kadib markii 45 mudane aqbashay, halka 4 xildhibaan ay ka aamustay  mid kalena uu diiday,sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha wakiilada, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo).

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Puntland: Madaxweynaha oo loo kordhiyay wakhtiga uu ku soo dhisayo xukuumad cusub appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this