Sign in to follow this  
Deeq A.

Awaamiir cusub oo laga soo saaray amniga Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga amniga gobolka Nugaal oo maanta shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Garoowe, ayaa soo saaray awaamiir ku saabsan,sugidda amniga xilliga caleema-saarka madaxweynaha oo maalmo kooban ka harsan yihiin.

Waxay sheegeen  in magaalada ay imaanayaan, wufuud kala duwan oo ka qeyb galaya caleema-saarka madaxweynaha cusub, sidaasi darteedna loo baahanyahay, in la xaqiijiyo amniga caasimadda, gaar ahaanna goobaha muhiimka ah ee la dejinayo wufuudda.

Guddiga ayaa ku dhawaaqay, in laga bilaabo Talaadada berri ah aan la ogolaan doonin, gaadiidka bacaha madow,kuwa bilaa taarikada ah iyo gaadiidka hubaysan, islamarkaana tallaabo sharci ah laga qaadi doono ciddii jebisa amarkaasi.

Sidoo kale waxaa la mamnuucay, in gaadiidka la hor-dhigto xarumaha dowladda iyo goobaha kale ee muhiimka ah sida huteellada,waxaana guddigu amar ku bixiyay in lala wareego gaadiidkii lagu arko.

Dhinaca kale, ciidamada amniga ayaa looga digay in aysan hub la dhex mari karin magaalada, haddii aysan hawlgal ku jirin, iyadoo saraakiisha la faray, in ay tallaabo ka qaadan ciddii ku xad-gudubta arrintaasi.

Xafladda caleema-saarka madaxweynaha ee 26-ka bishan ayaa lagu casumay wufuud kala duwan oo dalka iyo deriskaba ka imaanaya,waxaana si weyn loo adkeeyay amniga caasimadda Garoowe oo xafladdu ka dhacayso.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Awaamiir cusub oo laga soo saaray amniga Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this