Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari ka tirsan Jubbaland oo dilay gabar askari ahayd oo jaceyl kala dhaxeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada maamulka Jubbaland uu dilay gabar askari aheyd oo ay muddo isla shaqeynayeen.

Askariga ayaa toogtay Fowsiya Xasan Khaliif oo kamid aheyd ciidamada maamulka Jubbaland xili ay ku sugneyd degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose, sida saraakiil ciidanka u hadashay ay sheegeen.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in askariga dilka geystay iyo gabadha uu ka dhaxeeyay xiriir jaceyl, waxaana la sheegay inuu soo kala dhex galay khilaaf, taasi oo sababtay in gabadha uu toogto.

Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay askariga dilka u geystay gabadha, waxaana la sheegay in hadda uu ku xiran yahay degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose.

Maamulka Jubbaland ayaa dhoobleey muddooyinkii ugu dambeeyay ka waday diyaar garowga dagaal ka dhan ah Al shabaab, waxaana ciidamadan ay kamid ahaayeen kuwo dagaalka la filayay inay ka qeyb galaan.

Caasimada Online
Xafiiska Jubbaland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this