Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax dhowr qof ay ku dhinteen oo ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan laba qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday, qof kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray qarax miino oo wadada dhinaceeda la geliyay, kaas oo maanta ka dhacay meel u dhaw isgoyska Carwo Itko ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay goob ciidanka booliska ay ku baaraan gaadiidka oo ku taala Isgoyska Carwo Itko.

Goob joogayaal ayaa sheegay in markii qaraxa dhacayay ay goobtaasi ka maqnaayeen ciidamada booliiska Soomaaliya ee fariisinka ku leh isgoyska Carwo Itko.

Wararka ayaa sheegaya xilliga qaraxa uu dhacaayay in halkaasi ay mareysay gaari nooca gurmadka deg deg ah oo dad bukaan ah siday.

Saraakiisha ammaanka, ayaa sheegay inay wadaan baaritaanka ku aadan cidda miinada halkaasi galisay ee qarxisay, waxaase meesha laga qaaday maydka labada ruux.

Xalay ayeey aheyd markii qarax lagu dhajiyay gaari ambalaas ah lala beegsaday Dhaqaatiir Somali & kuwa Ajaanib ah oo ay la socdeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this