Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabaab oo war cusub ku sheegtay in meydadka 80 askari oo Itaabiyaan ah la…

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhaba (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war cusub kasoo saartay weerarkii sabtida ka dhacay inta u dhaxeysa Buur-Hakaba iyo Baydhaba ee ay la beegsatay ciidamada dalka Itoobiya.

Qoraal lagu baahiyey warbahainta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inuu kordhay khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ciidamada Itoobiya kasoo gaaray weerarka.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay ogaatay in meydadka 80 askari oo Itoobiyaan ah shalay laga dhoofiyay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo.

“Meydadka oo lagu shubay Sanaadiiq waxaa qaadday diyaarad xamuul ah waxaana aad loo adkeeyay ammaanka garoonka diyaaraddu soo caga dhigatay” ayaa lagu yiri qoraalka ay faafiyeen warbaahinta Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa horey u sheegtay in weerarka ay ku dishay 57 aksari, hase yeeshee waxa ay qoraalkan cusub ku sheegtay in ciidamada Itoobita ay howdka ka heleen meydad badan oo ay markii hore ka carareen.

Bayaan kasoo baxay ciidmada difaaca qaranka Itoobiya ee loo yaqaan ENDF ayaa horey loogu xaqiijiyey inuu jiro weerarka Al-Shabaab ay sheegatay oo jimcihii lagula beegsaday gobolka Baay, waxayna ballan-qaadeen jawaab buuxda.

Ciidamada Itoobiya ayaa ku dhowaaqay in howl-gal ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab inay dhowaan ka billaabi doonaan gudaha dalka Soomaaliya.

“Ciidamada Itoobiya waxay diyaarinayaan weerar baaxad weyn oo jawaab ah” ayaa lagu yiri bayaanka ciidamada Itoobiya.

Bayaanka ayaa dhinaca kale ku gacan seeray sheegashada kooxda Al-Shabaab ee ah in 57 askari lagu dilay weerarka oo ka dhacay deegaanka Daynuunaay, oo u dhaxeeya Baydhaba iyo Buur Hakaba ee gobolka Baay.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this