Sign in to follow this  
Deeq A.

Indonesia Oo Ka Hadashay Sii Daynta Wadaad Mayal Adag Oo Dalkaas Ku Xidhan

Recommended Posts

Deeq A.   


(SLT-Indonesia )Indonesia ayaa dib u eegis ku sameyneysa go,aanka lagu sii deynayo wadaad xiran oo lagu eedeynayo inuu ka dambeeyay weerarkii sanadkii 2002 lagu qaaday jaziiradda Bali, kadib markii uu arrinta soo farageliyay raysal wasaaraha Australia Scott Morrison.

5D211ABB-2E07-45B7-BC68-FE6CAC6E89DB.jpe

Wasiirka ammaanka dalkaasi ayaa sheegay in madaxweyne Joko Widodo uu ka codsaday inuu dib u eegis ku sameeyo qorshaha lagu sii deynayo wadaadka mayalka adag Abu Bakar Ba’asyir.

Arrintan ayaa timid saacado kaddib markii uu Mr Morrison ka codsaday Indonesia inay “xushmad weyn” u muujiso Australia.

Weerarkaas lagu qaaday goob lagu caweeyo ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 200 oo qof, oo badankood u dhashay Australia.

Ba’asyir, oo 80 sano jir ah, ayaa loo aqoonsan yahay inuu yahay hoggaamiyaha ay ka talo qaataan kooxda Jemaah Islamiah, oo weerarka lagu eedeynayo.

Go`aanka wadaadkaasi lagu sii deynayo ee uu toddobaadkii hore qaatay madaxweyne Widodo sababo dhanka caafimaadka la xiriira ayay dad badan cambaareeyeen.

Isagoo shir jaraaid qabtay Isniintii, ayaa wasiirka ammaanka ee Indonesia wuxuu sheegay in goaankaasi dib u eegis lagu sameynayo.

Wiranto, oo sida dad badan oo Indonesia u dhashay loogu yeero hal magac, ayaa sheegay in madaxweyne Widodo uu amray in qiimeyn lagu sameeyo arrintaasi.

Mr Morrison ayaa hore u sheegay in isaga iyo saraakiil kale ay xiriir la sameynayeen Indonesia iyagoo ka wada hadlayay sii deynta wadaadka.

“Dadka Australia sib aan ayay habeenkaasi u ledeen, waxaana u maleynayaa in dadka Australia ee meel walba ku sugan inay filayaan in arrintan ay dowladdeenna si weyn uga fiirsato,” ayuu yiri.

Ba’asyir ayaa 15 sano lagu xukumay sanadkii 2011 kaddib markii lagu eedeeyay inuu taageerayay maleeshiyaadka ku sugan gobolka Aceh.

Saddex nin ayaa la dilay iyagoo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen weerar dhacay sanadkii 2008, kuwo kale oo badan ayaa xabsiga la dhigay amaba ay dileen ciidammada ammaanka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this