Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxaha Kubbadda Cagta Muqdisho City Cub Iyo Heegan Oo Wada Leh Kulan Aad U Adag

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sabtidii lasoo dhaafay maagalada Muqdisho ka furay koob lagu xusayo Allaha Unaxariiste Wariye Cawil Daahir Salaad oo ka mid ahaa shaqaalaha Universal TV waxaana ka qeybgalay kooxaha kubbadda cagta ee kala ah Heegan,Jeenyo ,Elman iyo Muqdisho City Club.

50583674_2198048887100525_22003358576871

Kulankii kowaad waxaa daah furay kooxaha kala ah Muqdisho City Club iyo Elman waxayna ciyaartooyda ku dhamaatay barbaro 2-2,balse gool ku laadyo 4-2 waxaa fiinaalka ugu soo baxay baxay xidigaha dowladda hoose ee Muqdisho City Club.

50309707_2198048933767187_41286159326563

Ciyaartii 2aad waxaa food is daray naadiyada L.L.P Jeenyo iyo Heegan,iyagoo taageerayaashooda kasoo qeybgalay kulankaa usoo bandigay kubbadda ku dhisan farsamo,balse waxaa nasiibka saaciday wiilasha Heegan oo sidaas ugu soo baxay kama dambeesta tartankan lagu xusay Cawil Daahir Salaad.

50252793_2198049410433806_37677186397513

Wariye Cawil Daahir Salaad iyo Saddex kale oo ka mid ahaa shaqaalaha Universal TV ayaa u dhintey Qaraxyadii 22-December 2018 ee ka dhacay nawaaxiga Tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho.

Kooxda Heegan ayaa Kulankii kowaad wajahaysa dhigeeda Muqdisho City Club tan iyo markii loo bixiyay magacaas  25-Novermber 2018, balse sanadihii lasoo dhaafay waxa ay soo wada dheeleen tartamadda maxliga ee gudaha,inkastoo waqtigaa ay kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club ku ciyaaraysay magaca Banaadir Sports Club.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this