Sign in to follow this  
Deeq A.

Senator Nadiir Oo ku baaqay in Kenya lagala xisaabtamo burburinta xarumaha Hormuud

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada Golaha Aqalka Sare ee BFS Senator Axmed Macalin Cumar (Nadiir) oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ee M /Muqdisho ayaa si kulul uga hadlay burburinta Ciidamada Kenya ay ku hayaan xarumaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee k/ Soomaaliya.

Senator Nadiir ayaa tilmaamay in aan loo dul qaadan karin in Kenya ay burburiso xarumaha Shirkadda Hormuud oo ay saami ku leeyihiin dad badan Oo Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa uu dowladda Soomaaliya ka dalbday in Kenya ay kala xisaabtanto tacadiyadaasi ka dhanka ah hantida shacabka Soomaaliyeed .

Habeen hore ayey aheyd markii Ciidanka dalkaasi ay qaraxyo ku burburiyeen xarun ay Hormuud ku lahed deegaanka Dhuyac-Garoon ee gobolka Jubbada Hoose.

Halkan hoose Ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/cod-mahad-1.mp3

The post Senator Nadiir Oo ku baaqay in Kenya lagala xisaabtamo burburinta xarumaha Hormuud appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this