Deeq A. Posted January 22, 2019 Jilib ( Sh. M. Network )-Xarakada Al Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay Saraakiil ay sheegeen in ay ka soo goosteen maamulka Jubbaland ku soo bandhigay degmada Jilib gobolka Jubbada Dhexe ee koonfurta Soomaaliya. Saraakiishan oo tiro ahaan gaarayay illaa 3 ayaa waxa Al Shabaab ay sheegeen in ay ka mid ahaayeen Ciidanka ilaalada madaxtooyada maamulkaasi. Sidoo kale Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in Askari kale oo ka tirsanaa Jubbaland, gaar ahaan kuwa ku sugan deegaanka Buulo Gaduud uu la soo goostay saraakiishaasi. Waxaana ay intaasi ku daray in Ciidamadani ay la soo tageen Hubkoodiii, sida ay hadalka u dhigeen. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Jubbaland oo ku aadan Askartaasi. Inta badan Al Shabaab ayaa deegaanada ay ka arrimiyaan ee koonfurta iyo bartamaha dalka ku soo bandhiga Askar u goosata dhankooda. The post Al Shabaab Oo Saraakiil ku soo bandhigay degmada Jilib appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites