Sign in to follow this  
Deeq A.

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi Oo Muuse Biixi Ugu Baaqay In Golaha Guurtida La Kala Diro +Sababaha Uu Daliishaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi Oo Muuse Biixi Ugu Baaqay In Golaha Guurtida La Kala Diro +Sababaha Uu Daliishaday

Wasiirkii hore ee maaliyada somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi ayaa ka hadlay mudo kordhinta ay golaha guurtidu sameeyeen.

mb-2-300x152.jpg

Eng Maxamed Xaashi sharci daro ku tilmaamay inay mudo kordhin sameeyaan xildhibaanada golaha guurtida oo uu xusay inaanay iyagu sharci ku fadhiyin, isaga oo madaxweynaha ugu baaqay inuu kala diro mudanayaasha golaha guurtida.

Eng Maxamed Xaashi Cilmi ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Golahan imika doorashadii dib u dhigayaa isagii ayaan sharci ahayn, dadkii la soo doortay iyo aqoontii lagu soo doortay midna ma laha xaga da’dana qaarkood waabay ka yar yihiin, kolkaa maaha wax la aqbali karo, dhaartiina way ka baxsan yihiin oo kitaabkii ay gacanta saareen ayey ka baxeen.”ayuu yidhi Eng Maxamed Xaashi oo waramay Horyaaltv.

Sidoo kale waxa uu sheegay in mudo kordhintu ay tahay dan ka dhaxaysa dhinacyada ay khusayso isla markaana ay isla ogyihiin waxaanu yidhi “Waxay qabaan inay lacaguun helayaan oo ay ku sii joogayaan iskuguna danaynayaan mudo kordhintan oo laysla ogolyahay in sidaa la wada yeelo,laakiin ta xuni waxa weeyaan marka aanu ilaahay cibaado kaa aqbalayn khasaare weyn ayaan ku jirtaa.”

Dhinaca kale Eng Maxamed Xaashi ayaa madaxweynaha somaliland kula taliyey in la kala diro golaha guurtida “Madaxweynaha waxaan anigu odhan lahaa mudo kordhin dambe umadani uma baahna, sharci daro socotana umadani way ka soo daashay, waxa ka dhibyar adiga oo kala dira golaha guurtida oo la soo doorto dad u qalma xilkan loo dooranayo.”

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this