Sign in to follow this  
Deeq A.

Hubkii lagu fuliyey weerarkii Dusit-Hotel Naiorbi oo noqday mid ay leedahay Dawlada Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Hubkii lagu fuliyey weerarkii Dusit-Hotel Naiorbi oo noqday mid ay leedahay Dawlada Somalia

 

qori1-300x199.jpg
Wargeyska Daily Nation ee Nairobi, ayaa qoray in saddex ka mid ah shanti qori ee toddobaadkii lagu fuliyey weerarkii lagu qaaday hotelka Dusit ee magaalada Nairobi ay ahaayeen kuwa ay soo iibsatay Soomaaliya.

Wargeyska ayaa qoray in baadhitaan hordhac ah uu muujinayo in lambarka taxanaha (serial number) ee qoryaha uu la mid yahay kan ciidamada Soomaaliya.Labada qori ee kale, ayaan weli la xaqiijin cidda iska lahayd.

Dawladda kasta waxay leedahay lambar aqoonsi oo hubkeeda ku dheggan, waxaana sida Daily Nation uu daabacay, qoryihii lagu fuliyey weerarka 14 Riverside ay lahaayeen caalamadda “SO” oo ay isticmaalaa ciidamada Soomaaliya.

“Weli waxaan isku dayaynaa inaan ogaano sida argagixisada ay ku heshay hubkan, balse waxaan u malaynayaa inay ku qabsadeen mid ka mid ah weerarada tirada badan ee Al-Shabaab ay ku qaaddo ciidamada Soomaaliya” ayuu yidhi sarkaal ka tirsan qeybta-dambi baarista Kenya ee DCI.

Waxa uu sheegay inay si dhow ula shaqeynayaan ciidamada Soomaaliya iyo booliska adduunka ee Interpol, si ay xog badan uga helaan hubkan iyo sida ay kusoo galeen Kenya.

“Golaha ammaanka QM ayaa ka digay bishii November ee sanadkii hore in qalabka milatari ee  Soomaaliya loo weeciyo kooxaha hubeysan” ayuu qoray Daily Nation.

Waxaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay in hub badan oo ay leedahay dawladda Soomaaliya hadda ay gacanta ugu jiraan ganacsatada hubka ee magaalooyin ay ka mid yihiin Muqdisho iyo Baydhaba.

Sida Daily Nation qoray, weerar kale oo la fishiliyey bishii Febraayo ee 2018, kaasi oo ka dhici lahaa magaalada Isiolo ee dalka Kenya, ayaa hubkii laga soo qabtay waxaa laba ka mid ah ay noqdeen kuwa dawladda Soomaaliya.

Dawladda  Soomaaliya ayaan weli wax jawaab ah ka bixin arrintan.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this