Sign in to follow this  
Deeq A.

Diblamaasi Mareykan Ah Oo Kulan La Yeeshay Kooxda Taliban

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Afghanistan)-Kooxda Taliban ayaa waxa ay shaaca ka qaaday in wadahadalo ay kula yeesheen dalka Qadar danjiraha Mareykanka ee dalkaasi, Zalmay Khalilzad.

105288510_693bfcb7-c8bb-4e87-b2f3-d5c2bd

Arrintan ayay Taliban ku dhawaaqeen saacado uun ka dib markii ay fuliyeen weerar ay dad kud hinteen.

Dadaalada waadaxaajoodka ayaa dhawaan hakad galay ka dib markii Washinton ay ka biya diiday kooxda Daalibaan oo iyagu sheegay ina ysan wadaxaajod la galayn dowlada Afqanistaan.

Kooxda ayaa ku adkaysanaysa in cidda ay wadaxaajoodka la galayaan ay tahay Mareykanka oo aysan dowlada Afqanistaan la fariisan doonin.

Kooxda Taliban ayaa mar walba diida in ay la kumaan dowladda Afqanistaan oo ay ku tilmaamaan mid daba dhilif u ah reer Galbeedka.

Diidmada Taliban ay diideen in ay la kumaan dowladda Afqanistaan ayaa ah mid waji gabax ku ah xukuumadda madaxwayne Ashraf Ghani, oo horey u sheegay in ergo uu u diri doona kulanka Taliban.

Wareegii hore ee wadahadalada ayaa ka dhacay dalka Imaaraadka markaasi oo ay sidoo kale Taliban diideen ina y la kulmaan dowladda Afqanistan.

Weerarkii ugu dambeeyay ee ay qaadaan kooxda Taliban oo dhacay shalay ayaa waxa ku dhintay 20 qof .

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxa la jiirsiiyay bar-koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Afqabistaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this