Sign in to follow this  
Deeq A.

Qalliinkii Ugu Horreeyay Ee Noociisa Ah Oo Lagu Sameeyay Ilmo Caloosha Ku Jira

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Dundee)-Hooyo ka soo jeedda magaalada Dundee ee dalka Scotland ayaa sharraxaad ka bixisay sida qalliin cusub oo lagu sameeyay uu u beddelay nolosha canuggeeda inta uusan dhalan kahor.

105288540_62406fa7-7639-4a7c-b363-ad6022

Augustine Somers ayaa lagu arkay xaalad loo yaqaanno spina bifida, oo micnaheedu yahay in lafdhabarta ilmaha uurka ku jira aysan u koreynin sidii loogu talo-galay.

Hooyadiis Amanda oo xilligaas lahayd uur 22 toddobaad ah, ayaa dadaal dheer u gashay sidii ay u heli lahayd dhaqtar qalliin oo wax ka qaban kara xaaladda canuggeeda kahor toddobaadka 26-aad oo lagu ballamay in ilmaha lagu qalo. Taas oo ay ku guuleysatay.

Kaddib qalliinka oo ilmuhu uu xilligiisa ka soo hormaray, ayaa baaritaan lagu sameeyay waxaa lagu ogaaday in rajo wanaagsan laga qabo inuu mustaqbalka awoodo inuu socdo.

Spina bifida waa xaalad sababta in lafdhabarta aysan u korin si habboon isla markaana ay dalool yar yeelato, taas oo sababta in ilmuhu uu curyaan noqdo.

Waxaa la daweeyaa marka ilmuhu dhasho kaddib, balse waxaa wanaagsan in goor hore wax laga qabto si ay u yaraato saameynteeda.

Amanda iyo seygeeda Benjamin Somers ayaa habkan cusub ka war helya kaddib markii ay baaritaan sameeyeen.

Qalliinkan ayaa keliya haatan laga helaa dalka UK, iyadoo labada qalliin ee ugu horreysa ay magaalada London ka dhacayeen bishii October ee sanadkii hore.

Waxaa loo sheegay inaan boos looga heli doonin isbitaalka University College Hospital balse waxaa lagu xiray Prof Jan Deprest oo ku sugan magaalada Leuven ee dalka Biljamka, kaas oo qalliinkaasi sameeyay isla markaana tababaray dhaqaatiirka qalliinka UK.

Augustine Somers ayaa qalliinka lagu sameeyay intuusan dhalan kahor
Kaddib markii la hubiyay in Amanda iyo ilmahaba lagu sameyn karo qalliinka, ayay Amanda u duushay Leuven maalmo gudahood xilligii lagu ballansanaa.

Dhammaadkii October, Augustine wuxuu noqday canuggii ugu horreeyay ee Scotland ka soo jeeda oo qalliinkaasi lagu sameeyo.

Amanda, oo 32 jir ah, ayaa BBC-da u sheegtay “Waxaan runtii haysannay keliya labo toddobaad inaan howsha oo dhan ku sameyno.

“Waxaa qalliinka nalagu sameeyay 30-kii October. Waxaa la igula taliyay inaan nasto, wuxuuna canuggeyga dhashay 18-kii December.

“Hadda hal bil ayuu jiraa, weli isbitaalka ayuu ku jiraa, balse aad ayuu u wanaagsan yahay.”
Benjamin iyo Amanda ayaa hore u haystay labo gabdhood oo mataano ah, Clementine iyo Isabel
Intii uu socday qalliinka oo qaatay muddo afar saacadood ah, dhaqaatiirta ayaa furay minka kaddibna waxay xireen daloolkii lafdhabarta canugga.

Habka qalliinkaasi ayaa ah mid khatar ah wuxuuna sababi karaa in ilmuhu dhasho kahor xilligii loogu talo galay. Balse waxay dhaqaatiirtu ku guuleysteen inaysan dhaawicin mandheerta.

Augustine oo xaaladdiisu ay wanaagsan tahay ayaa la filayaa in isbitaalka laga soo saaro toddobaadka dambe.
Augustine ayaa isbitaalka lagu hayay tan iyo intii uu dhashay bishii December, balse Amanda ayaa sugeysa in toddobaadyo kaddib ay guriga u kaxaysato
Ilmahan, ayaa sidoo maskaxdiisa laga saaray dheecaan ku jiray, xaaladdiisana waxaa la sheegay inay wanaagsan tahay.

‘Xaqiiqdii waa wax cusub’
“Dhaqdhaqaaqa lugihiisa waa mid wanaagsan waxaana rajo ka qabnaa inuu awoodi doono inuu socdo.

“Inuu six or ah u socdo waa waxa aan dooneyno taas ayaana ku rajo weyn nahay.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this