Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Arday Cabasho Ka Ah Safaaradda Soomaaliya Ee Pakistan

Recommended Posts

Deeq A.   

Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Pakistan ayaa qaarkood waxa ay cabasho ka muujiyeen hannaanka ay u shaqeyso safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi.

Cali C/samad Maxamed oo ka mid ah ardaydan ayaa isaga oo ku sugan dalkaasi u sheegay Goobjoog iney aad ugu adkaatay xiriirka safaaradda xilli uu doonayey gurmad caafimaad.

Waxa uu sheegay in guri uu deganaa uu Gaas ku qarxay islamarkaana ay isaga soo gaaray dhaawac xooggan, loona sheegay in loo baahan yahay ciddii isaga dalka ku mataleysay “Saafaradda” balse uu waayey.

Sidoo kale, Cali ayaa sheegay inuu u baahday in uu tago xarun kale oo caafimaad si wax loogu laakiin lagu xujeeyey safaaradda iney timaado balse aan loo jawaabin.

Dhanka kale, wuxuu sheegay inuu wacay safiir Khadiija markii uu la hadlay kadibna una sheegay xaaladdiisa ay u sheegtay iney lasoo hadli doonto, wixii ka dambeeyeyna ay taleefanka ka qaban weysay si loo muujiyo in safaaraddiisa u bar-bar taagan tahay, damaanadna u helo in xarun kale caafimaad uu tago.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/ARDAY-Cali-Cabdi-Samad-Maxamed-PAKISTAAN-2.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this