Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab Oo sheegtay Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya deegaanka Jasiira ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay halkaasi qarax lagula eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa milatariga dowladda federaalka Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday Ciidankaasi, xilli ay marayeen waddada xeebta ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku dhintay 2 askari oo ka tirsanaa ciidamada milatariga ,halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxan, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka.

Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in khasaaro xoogan ay gaarsiyeen Ciidankaasi, walow aysan shaacin inta uu la’egyahay.

Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro dhabo gal ah ku qaada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gobollada dalka.

The post Al Shabaab Oo sheegtay Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this