Deeq A. Posted January 22, 2019 Jowhar ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee Hirshabelle ayaa saacadihii la soo dhaafay ku dhawaad 10 qof oo Ganacsato ah ku xirayM/Jowhar ee xarunta maamulkaasi. Ganacsatadan ayaa lagu eedeeyay in ay hoggaasimeen awaamiir ka soo baxday Al Shabaab, islamarkaana ay bixiyeen lacago ay ka dalbadeen. Dadkan oo tiro ahaan gaaraya illaa 6 Qof ayaa haatan ku xiran xabsiga magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhex. Sidoo kale taliska nabad sugida ee maamulka HirShabelle ayaa uga digay Ganacsatada kale in ay u hoggaan samaan awaamiirta Al Shabaab. Al Shabaab ayaa la sheegaa in inta badan lacago isugu jira canshuuro iyo sakawaad ka qaada Ganacsatada ku dhaqan gobollada Hiiraan iyo Sh/ Dhexe. The post Ku dhawaad 10 Ganacsato ah Oo lagu xiray M/ Jowhar appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites