Sign in to follow this  
Deeq A.

Ku dhawaad 10 Ganacsato ah Oo lagu xiray M/ Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee Hirshabelle ayaa saacadihii la soo dhaafay ku dhawaad 10 qof oo Ganacsato ah ku xirayM/Jowhar ee xarunta maamulkaasi.

Ganacsatadan ayaa lagu eedeeyay in ay hoggaasimeen awaamiir ka soo baxday Al Shabaab, islamarkaana ay bixiyeen lacago ay ka dalbadeen.

Dadkan oo tiro ahaan gaaraya illaa 6 Qof ayaa haatan ku xiran xabsiga magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhex.

Sidoo kale taliska nabad sugida ee maamulka HirShabelle ayaa uga digay Ganacsatada kale in ay u hoggaan samaan awaamiirta Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa la sheegaa in inta badan lacago isugu jira canshuuro iyo sakawaad ka qaada Ganacsatada ku dhaqan gobollada Hiiraan iyo Sh/ Dhexe.

The post Ku dhawaad 10 Ganacsato ah Oo lagu xiray M/ Jowhar appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this