Deeq A. Posted January 22, 2019 Galmudug, waxaad moodaa in uu si gaar ah iyada saameyn ugu yeesheen khilaafkii soo kala dhexgalay dowladda dhexe iyo maamul gobolleedyada. Tan iyo murankaas, waxaa is bedelay siyaasaddi Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Puntland, kaliya Galmudug iyo Jubbaland ayaa halkoodii u muuqda kuwo taagan ama gelin hore laga tagay. Hase ahaatee, Galmudug ma aha sida Jubbaland oo ka dhisme horreeysay, haysata Deked, taas oo sahleysa in ay ugu yaraan muddo jiri karaan dowladda la’aanteed. Galmudug waxa ay u kala jabtay saddex garab, Xaaf, Shikeh Shaakir iyo Cadaado. Muddo hadda sanad ah, xaaladda Galmudug waa mid qasan oo aan lahayn meel loo raaco, xataa waxaa shaki la gelinayaa in maamulba ka dhisan yahay. Xaaf ma tegi karo Cadaado, kooxda Cadaado ma imaan karaan Dhuusomareeb halka Shiekh Shaakir uu fartuu doono qorno, yacni meel loogu hagaago ma leh. Galmudug, sida muuqata xaalkeeda ma aha mid ay cidi dani ugu jirto, dowlad, maamulka dhexdiisa iyo kooxaha mucaaradka ah. Dowladda Dowladda dhibta ka jirta Galmudug wey saameyneysaa maadama haddii xaalka sidan sii ahaado ay adkan doonto sidii doorasho uga dhici lahayd ama kala qeybsanaanto ku sii fogaan karto. Caano daatay dabadood ayaa la qabtaa, dowladda waxaa u habboon intii Galmudug meel fog laga dooni lahaa in hadda arrinteeda la dhammeeyo. Galmudug dhexdheeda Waxaan maqli jiray asaagii ka hare! Galmudug waxa ay u muuqataa mid asaageed wax badan ka hari doonta haddii ay sidaas isu sii surnaanto. Tanaasul haddii ay isu sameyn waayaan, iska daa Puntland ee, waxa ay ku diimi doonaan sidii ay horumarka maamul ahaan kula tartami lahaayeen Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle. Si Galmudug ugu yaraan u bilowdo dowlad dhisidda dhexdeeda ah waxaa quman in waaqaca loo soo laabto. Kooxaha Mucaaradka ah Waxaad moodaa in kooxaha mucaaradka ah ay bohol ka ridayaan madaxda Galmudug. Lama hayo madaxda ka soo jeeda maamulkaas ee ku jira dowladda dhexe ama aanan xilalka hay nee Muqdisho tuban iyaga oo ka arrinsanaya xalinta mushaakilka Galmudug. Waxaaba yaab leh, kala sii fogaanshaha mamaulkaas dhexdiisa ah in ay u arkayaan dhibco u kordhay si ay ugu xumeeyaan dowladda dhexe! Mucaaradka waa in ay ogaadaan, Galmudug oo dhisan, haygal maamul leh ayaad idinka wax ku noqon doontaa ee maamul aad afar sano dhibco siyaasadeed si aad u heshaan aad god ugu tuurteen kuma heshaan mansabka aad dooneysaan. Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid Share this post Link to post Share on other sites