Sign in to follow this  
Deeq A.

MURSAL: Xilka waan isaga tagayaa haddaan awoodi waayo in la daayo Roobow

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhaba (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa muddo Todobaad ah ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa kulamo kala duwan la qaatay Odayaasha, Dhalinyarada, waxgaradka, Haweenka iyo Culumada.

Sidoo kale Guddoomiye Mursal ayaa kulamo la qaatay siyaasiyiinta ka soo jeeda Koonfur Galbeed, waxaana su’aasha ugu badan ee la weydiinayay ay aheyd xilliga la soo deynayo Muqtaar Roobow.

Hadal maanta uu ka jeediyay Magaalada Baydhabo ayaa waxa uu ku sheegay in uu Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha iyi Ra’iisul Wasaaraha, islamarkaana ay u sheegeen in la sii deynayo Roobow.

“Waxaan idin balan qaadayaa in xuriyadiisa uu heli doono Muqtaar Roobow arrintaas intii aan soo bixin ayaan ka wada hadalnay Madaxweynaha Iyo Ra’iisul Wasaaraha, taasna waan idin kugu bishaaraynayaa.” ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale Odayaasha iyo qeybihii kala duwanaa ee uu la kulmay ku qanciyay in aysan cidna raali ka aheyn qaabkii loo maray xariggii Muqtaar Roobow, wuxuuna tilmaamay hadii Roobow la soo deyn waayo inuu xilka isaga tagayo.

“Waad ogtihiin aniga ahaan dhawr mar ayaan ka hadlay in Muqtaar Roobow uu lamid yahay musharixiinta kale farahana laga qaado xitaa waxaan dalbaday in doorashada dib loo dhigo xaalad walboo Muqtaar lagula dhaqmay aniga raali kama aheyn, waxaan idin balan qaadayaa in Muqtaar uu banaanka soo bixi doono.” ayuu markale yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this