Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo sagootin u sameeyey ciidamo loo soo diray Somalia + Tiradooda

Recommended Posts

Deeq A.   

Westfield (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah ciidamada ilaalada qaranka gobolka New Jersey ee dalka Mareykanka, ayaa loo qabtay xaflad sagootin ah, ayaga oo isku diyaarinaya inay soo aadaan dalka Soomaaliya.

In ka badan 130 askari oo saldhigoodu yahay magaalada Westfield, ayaa muddo laba toddobaad gudahood ugu soo safri doona Soomaaliya.

Arteste Ruffin oo ah 22 jir ka mid ah ciidamada loo soo dirayo Soomaaliya ayaa yiri “Aad baan u walaacsanahay, balse taliyahayga wuxuu ii sheegay in haddii aan walaacin ay wax iga qaldan yihiin”

“Gacalisadayda iyo qoyskaygaba kuma faraxsana safarka” ayuu yiir.

Ciidamada ayaa la sheegay in Soomaaliya ay ka fulin doonaan howl-gal adag oo aad xasaasi u ah, balse aan laga bixin faha-faahinta intaas dhaafsan.

Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo la rumeysan yahay in tiradooda ay dhan tahay 500 oo askari, oo badankood saldhigoodu yahay gegida Bali-Doogle ee gobolka Sh/Hoose, halkaasi oo ay ku caawiyaan kuna tababaraan ciidamada Soomaaliya.

Tan iyo markii uu xukunka qabsaday madaxweyne Donald Trump, Mareykanka ayaa xoojiyey howl-galkiisa Soomaaliya, iyo duqeymaha lala beegsanayo kooxda Al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Columbus
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this