Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Oomaar oo xog ka bixiyay sababta Ethiopian Airline hakad u gelisay duulimaadyadeeda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha keenay in EThiopian Airline dib u dhigto duulimaadyadii ay ku imaan jirtay magaalada Muqdisho.

Wasiirka wuxuu sheegay in diyaaradaasi markii hore ay dalbatay in seddex duulimaad todobaadkii ku timaado magaalada Muqdisho, balse markii dambe ay kordhisay duulimaadyadeeda oo ay ka dhigtay todobaadkii oo dhan, kadib markii ay aragtay rakaabka tirada badan ee u baahan duulimaadyada.

Wuxuu sheegay in muddo kadib diyaaradda ay dareentay in hoos u dhac uu ku yimid rakaabkii adeegsan jiray diyaaradaasi, sidaasi daraadeedna ay dib ugu dhigtay duulimaadyadeeda qaar, sida uu hadalka u dhigay.

Laakiin ma uusan cadeyn in diyaaradda ay hakad gelisay duulimaadyadeeda magaalada Muqdisho, maadaama sida xogaha aan ku heleyno ay dib u bilaabi rabto bilowga bisha Febraayo ee sanadkaan.

Wasiirka waxaa kale uu meesha ka saaray in shirkadda ay duulimaadyadeeda u joojisay markii ruux ajnabi ah lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, kaasi oo wata sunta dadka ka ilmeysiisa oo diyaaradaha ay mamnuuc ka tahay in lala raaco, maadaama lagu afduuban karo diyaarada, marka gudaheeda lagu adeegsado.

“Waxaa isku soo aaday iyadoo nagu wargelisay in rakaabka oo yaraaday darteed duulimaadyada ay u joojiyeen iyo dhacdada oo dhacday”ayuu yiri wasiir Oomaar.

Wararka ayaa sheegaya in ruuxaasi uu maalintaa raaci lahaa diyaarada Ethiopian Airline.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this