Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Caan Ka Aha Dalka Sacuudiga Oo Xabsi Uu Ku Xidhna Ku Dhex Geeriyooday.

Recommended Posts

Deeq A.   


(SLT-Riyaad) Sheekh Axmed Al-camaari oo horey u ahaa Hormuudkii hore ee Kulliyadda Qur’aanka Kariimka ee Jamaacadda Madiinah Al-munawarah ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday Xabsiga Sacuudiga, sida ay shaaciyeen Koox u dooda Xuquuqda Maxaabiista ku xidhan dalkaasi.

643880F6-0263-4B4B-97D0-0E7DE8C7D313.jpe

Qoraal ay Kooxdaasi soo dhigeen barta ay ku leeyihiin Twitter-ka waxay ku sheegeen inuu Marxuumku u geeriyooday dayacaadda dhinaca daaweyntiisa, waxayna ku eedeeyeen Madaxda Xabsiyadda dalkaasi inay mas’uul ka yihiin geeridiisa.

Marxuumka waxaa la filayaa in maanta lagu aaso magaalladda Maka Al-mukarama, sida ay sheegeen Kooxda u dooda Xuquuqda Maxaabiista ku xiran Sacuudiga.

Dowladda Sacuudiga weli kama hadlin Warbixintan ku aadan geerida Marxuum Sheekh Axmed Al-camaari oo isaga Xabsiga ku jiray tan iyo bishii August ee sannadkii hore.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this