Deeq A. Posted January 21, 2019 Muqdisho ( Sh. M Network )-Wararka Idaacadda Shabelle ay ka heleyso degmada Kaaraanee gobolka Banaadir ayaa ku warramaya in maanta Rag ku labisan dareeska Ciidamada dowladda ay wiil dhalinyaro ahaa ku dileen gudaha degmadaasi. Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cali Xaaji, waxaana la sheegay in uu ka mid ahaa Ardayda wax ka barata mid ka mid ah Jaamacadaha ku yaalla M/ Muqdisho. Dilkan ayaa yimid, kadib markii Marxuumka iyo Raggaasi ay ku murmeen Mobile Gacanta ah oo uu watay, kadibna rasaas ay ku fureen uu u dhintay Ardaygaasi, sida ay xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in kooxahaasi ay horay uga sii qaateen Mobile-kii uu watay Marxuumka. Sidoo kale waxaa saacadihii ugu dambeeyay dilal kale oo ahaa kuwa qorsheysan ay ka dhaceen isla degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, kuwaas oo loo geystay 2 Qof oo la sheegay in ay ahayeen Askar ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya. Dilka Askartan ayaa baraqanimadii maanta ka dhacay Xaafadda Halima Hiiti ee degmadaasi. Dhinaca kale xiriiro ay la sameysay Shabelle maamulka degmada Kaaraan, gaar ahaan guddoomiyaha degmadaasi C/fitaax Nuur Cali Yaanyo ayaa diiday in uu ka hadlo dhacdooyinkaasi is xig xigay ee maanta ka dhacay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir. Guddoomiye Yaanyo ayaa inta badan ka hadlin dhibaatooyinka shacabka ku dhaqaan Kaaraan loogu geysto gudaha degmadaasi. Arrintan ayaa ku soo aadeyso, xilli muddooyinkii dambe ay taagneyd cabasho xoogan oo dhinaca amniga ay ka muujinayeen shacabka degmadaasi. The post Ku dhawaad 5 Qof Oo lagu dilay degmada Kaaraan appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites