Sign in to follow this  
Deeq A.

Uganda Oo ka feejigan Weeraro kaga yimaada Al Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Kampala ( Sh. M. Network )-Ciidamada Booliska dalka Uganda ayaa lagu armay in ay xoojiyaan ammaanka magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi, si ay ugu hortagaan weeraro laga cabsi qabo in Dagaalyahannada Al Shabaab ay ka geystaan gudaha Uganda.

Ciidanka gaarka ah ee ilaalada Dalxiisayaasha Uganda lagu wargaliyay in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, islamarkaana ay si weyn uga taxadaraan goobaha ay dadku ku badany ihiin, sida hoteelada iyo meelaha kale ee loo Dalxiis tago.

Ku xigeenka Afhayeenka Booliska Kenya Mr Luke Owoyesigyire ayaa sheegay in haatan ay diyaariyeen Askar badan oo ka mid ah Ciidamadooda, si ay u xoojiyaan ammaanka goobaha ay isugu yimaadaan dadweynaha.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in ay diyaar u yihiin ilaalinta amniga guud ee Uganda, islamarkaana ay ka hortagi doonaan wax walibo qatar dalkooda.

Tallaabadani ayaa imaaneysa, xilli todobaadkii hore Al Shabaabay ay weerar ku qaadeen  Hoteel ku yaalla magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

The post Uganda Oo ka feejigan Weeraro kaga yimaada Al Shabaab appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this