Sign in to follow this  
Deeq A.

DF: “Baaris ayaa ku socota Ajnabigii lagu qabtay garoonka”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Wasiirka Duulista iyo Hawada Soomaaliya, Maxamed Salaad Oomaar ayaa shaaciyay in dowladdu ay su’aalo waydiineyso nin ajnabi ah oo Axadii lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Ninkaan oo looga shakiyay inuu watay waxyaabo qarxa ayuu wasiirku daboolka ka qaaday markii baaritaan ay ku sameeyeen kadib ay ogadeen inuu waxa laga shakiyayay ahaayeen sunta indha dadka ka keenta ilmada.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu wasiirku balanqaaday in fahfaahin dhameystiran oo ku saabsan natiijada baaritaanka haatan socda ay lasoo wadaagi doonan warbaahinta iyo waliba shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, wasiirka ayaa xusay in arrintaan aysan wax saameyn ah ku yeelan howlihii garoonka, oo uu ku nuux-nuux saday inay si caadi ah usocoto, islamarkaana ay duulimaadyadii shaqaynayaan.

The post DF: “Baaris ayaa ku socota Ajnabigii lagu qabtay garoonka” appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this