Deeq A. Posted January 21, 2019 Muqdisho (Sh.M.Network) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax caawa ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa lagu waramayaa inuu ka dhashay Miino lagu soo rakibay gaari ay la socdeen Dahkhaatiirta mid kamid ah Isbitaalada caasimada. Inta la xaqiijiyay saddex dhakhtar ayaa ku dhaawacantay, kuwaasi oo labo kamid ah ay kasoo jeedaan dalka Suuriya. Wararka ayaa intaas ku daraya in kamid ah dhakhaatiirta Suuriyaanka ah ay xaaladiisa tahay mid aad halis u ah oo liidata. Goobjoogayaal ayaa u sheegay idaacada Shabelle in gaari la qarxiyay uu ahaa nooca lagu soo daabulay dhaawacyada ee Ambulance-ka loo yaqaano. Dhakhaatiirta ayaa markii qaraxa lala beegsaday waxay kasoo laabteen ciyaar kubada cagta ah oo ay kusoo dheeleen garoon aan ka fogeen goobtooda shaqo. The post Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites