Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho: Dhaqaatiir ajnabi ah oo baabuurkooda qarax loogu xiray iyo wararkii ugu dambeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo ahaa gaari lagu xiray waxyaabaha qarxa oo dhaqaatiir ay la socdeen.

Seddex Dhaqtar ayaa la sheegay in gaariga ay la socdeen waxaana qaraxa uu ka dhacay gelinkii dambe ee maanta degmada Hodon ee gobolka Banaadir.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in seddexda dhaqtar ee la socotay gaariga labo kamid ah ay ahaayeen kuwo dhashay dalka Syria halka ruuxa seddexaadna uu ahaa dhaqtar Soomaali ah oo la socday.

Qaraxa gaariga ayaa aad looga shaki qabaa in dhaqaatiirta loogu xiray gaarigooga xili ay kubbad ku ciyaarayeen garoon kubbada Cagta ah oo ku yaala degmada Hodon, waxaana ay ka howlgalaan isbitaalka Mogadishu City.

Waxyeelada qaraxaasi ayaa lagu sheegay inay tahay dhaawaca shan ruux oo labo kamid ah ay yihiin Syrian, halka seddexda kale ay Soomaali yihiin, waxaana la dhigay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dhaawaca dhaqaatiirta ajaaniibta ah ay aad u daran yihiin yihiin.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa,

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this