Deeq A. Posted January 21, 2019 Rajada fiicani waxay mar kasta ka wanaagsantahay wax aad haysto isla markaas, Somaliland waxay 27 sano ku soo jirtay beri ayaa ka wanaagsanaan doonta maanta iyadoo aan loo samayn ama la hayn qorshe horumarineed oo la hiigsanayo balse ay qabeen oo qudha shacabku yididiilo ah wanaag waa danbeeyaa. Hargeisa waa Caasimad Somaliland wax ku nool dad ka badan 1.5 million (hal malyan iyo badh) oo shacab ah , dadkaasi waxay noloshoodu u qaybsantahay Sadex dabaqadood oo midna aanay mid shaqo ku lahayn amse aanay ka war qabin. Qaybta kowaad waa dad isugu jira Siyaasiin (politicians ) maal qabeeno ku noqday xoolaha umada iyo Ganacsato (Bussiness men) ay heshiis yihiin Dawlad cashuurtna si fiican u bixiya balse aan ka fikirin danta shacabka iyo awooda wax iibsi ee qofka miskiinka ah , waxaana ka dhexeyeeya xidhiidh adag oo ah ” dhibane yeelkiise inoo qaybi dheefta”. Qaybta labaad waa shaqaalaha u kala dareera goobaha dawlad iyo kuwa Ganacsiga , waxayna bixiyaan labad ugu muhiimsan noloshooda oo ah Wakhti(Time) badan oo aanay wax u qalma helin, waxay bixiyaan maskaxdooda hadana dhiiri gelin ma helaan (Motivation) xaaldooduna waa “hadii aan la geeryoon gugu waa da’aayaa”. Qaybta sadexaad waa halka ugu hoosaysa dhaqaale ahaan ,aqoon ahaan, caafimad ahaan iyo shaqo ahaanba , waxayna bulshada ka noqonayaan 50 % bulshada , Sadexda waqti ka ugu badani wuxuu helaa laba jeer , waa qadaa ma dhergaan aan la maqal codkiisa . Dadka noocaas ahi waxay quutal yoomka ka raadsadaan kaaryoomo ay soo saarteen in yaroo Cadar ah , Kabo yar_yar , Dharka Nooca loo yaqaano Huudhaydhka , Sharabaado yar_yar , Makiinado iyo Cidiyo guro , Garmaan iyo wax yaalkale oo aas’aasiya bay bariiska kala soo baxaan. Qaar kalena waxay ku maararoobaan in ay kariyaan cuntooyin jaban sida Bariis iyo Baasto ama Shaah si ay ugu deberaan nolol maalmeedka iyo duruufaha haysta Xaaladooduna waa ” dhibka laguma waaree waa laga dhamaadaa”. Nasiib daro dadka noocaas ah baa maalin walba Suuqyada Hargisa wax laga qaadaa cashuur labad gelin ah , ha lag qaadee hadana maalin kast wax lagula kacaa dulmi cad iyo khasaare joogto ah, hantidoodna wax laga dhigaa qaar la qubo iyo qaar la qaato , sharcigu uma hiiliyo ,suxufina uma hadlo , waa dhibaneyaal ku nool dhulkoodii. 21 lagu qasaaray ,ayaa ah kuwo calooshooda u shaqaysataal ah balse aan marna ka fikirin dhibka haysta dadkooda iyo maskiinta tuur ku xamaalotada ah . Ugu danbayn waxaan soo jeedin lahaa Qaranimadu waa dalad (umbrella) uu hadhsado muwaadinku , difaac iyo daryeelna u ah , sidaa awgeed dadkaa masaakiinta ah hala daryeelo , meelo hala dejiyo ay ku ganacsadaan ama ku xamashan oo ku haboon waxay u baahanyihiin. Wa billahi tawfiiq. W/Q: Kayse Abdullahi Dhisaaye Qaran News Share this post Link to post Share on other sites